U bood dhigaalka

Cabdiweli Gaas “Puntland Waxa Ay Ka Digeysaa In Lagu Xadgudbo Dastuurka”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta furay kalafadhiga 35-aad ee baarlamaanka Puntland ayaa ka digay in lagu dhaqmo wax walba oo ka dhan ah Dastuurka dalka u yaalla ama wax u dhimi kara waxyaabihii lagu heshiiyay.

Waxa uu sheegay Gaas in hadii Federaalka qaabka hadda loo wado uu noqdo mid wax u dhimaya Dastuurka dalka iyo maamulada jira ay iyaguna dib u eegi doonaan waxyaabihii lagu hesiiyay.

“Soomaaliya waxay ku heshiisay nidaamka federalisimka, dastuurka ku meel gaarku  wuxuu qeexayaa qaabka iyo sida uu federalisimku uga hirgeli karo Soomaaliya, Puntlandna waa aabihii iyo hooyadii federaalka Soomaaliya, waxayna mar walba ku haminaysay Soomaaliya oo mid ah, kuna midowday habka Federalka ah, haddii qaabka federaalka hadda loo wadaa uu noqdo mid ka hor imaanaya shuruucda dalka, dhibna u gaysanaya maamuladii jiray, waxaa imaanaysa in dib u eegis lagu sameeyo wax kasta oo lagu heshiiyey, Dawladda Puntland waxay ka digaysa in lagu xadgudbo dastuurka iyo qawaaniinta dalka lagana fogaado wax kasta oo carqaladeynaya nidaamka horumarka dawladnimada Soomaaliya” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Dhinaca kale Mr, Gaas ayaa mar uu soo hadal qaaday arinta ku aadan xiriirka ka maamul ahaan kala dhaxeeya beesha caalamka ayuu sheegay in uu yahay mid wanaagsan, kuna dhisan wax wada qabsi.

“Puntland waxay meel wanaagsan gaarsiisay xiriirka ay la leedahay beesha caalamka iyo  Dawladaha deriska la ah Soomaaliya, waxaa dib loo habeeyey  Nidaamka xogta iyo maaraynta deeqaha caalamiga ah, waxaa la sameeyey   xeerkii lagu dhaqi lahaa Ururada aan dawliga ahayn kuwa maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah, waxaa si wanaagsan loo qaabeeyey habka dalabka mashaariicda New Deal-ka taas oo Puntland u marayso dalabka mashaariicda qorsheheeda shanta sanno, Dawladdani waxay kor u qaaday xiriirka iyo wada shaqaynta ay la leedahay Beesha Caalamka iyo maalgashadayaasha, iyadoo puntland siyaasadeeda dibada saldhig uga dhigtay wax wada qabsi xor ah oo isu dheeli tiran”

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhowr jeer oo hore waxa uu ka digay in Dastuurka KMG ee dalka u yaalla la baalmaro, isaga oo tilmaamay hadii Dastuurka la dhinac maro in wax badan oo hagaasan is bedali karaan.

Goobjoog News