U bood dhigaalka

Cabdiweli Gaas “Waxaan Aqbalnay Ma Ahan 4.5 Ee Waa Nidaamkii Looga Bixi Lahaa”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in maamulka Puntland aanu aqbalin nidaamka 4.5, balse waxa ay aqbaleen ay tahay sidii looga bixi lahaa nidaamkaasi.

Waxa uu tilmaamay in sanadka 2020 la doonayo in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana Puntland waxa ay dooneyso ay tahay in Soomaalida ay hogaankooda iyagu doortaan.

“Waxaan doonayaa inaan dadka Puntland u sheego, waxa aan aqbalnay ma ahan 4.5, laakiinse waa qaabkii iyo habkii looga bixi lahaa 4.5, waxaana rajeynaynaa in la gaaro 2020 nidaam sax ah oo cadaalad ah” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Dhinaca kale mar uu Cabdiweli Gaas ka hadlayey heshiiskii ka dhacay magaalada Garoowe ayuu sheegay in hadii aan heshiis la gaari lahayn in ay dhici lahayd in Soomaaliya ay sii kala daadato, la waayo dowlad dhalata 2016 waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaa dhici lahaa hadii aan la heshiin in Soomaaliya sii kala daato, daciifto midnimadii, in la waayo dowlad dhalata 2016, waxa imaan kara waxay ahayd inay dhacaan waxyaabo aan Soomaalida u cuntamin, wadahadalkeena iyo dooddii dheereed ee Puntland waxaa laga lahaa oo kaliya in aanay dib dambe usoo laaban 4.5” ayuu yiri Gaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa habeenkii xalay ahaa waxay heshiis ku gaareen magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, waxaana goobjoog ka ahaa xubno ka mid ah beesha caalamka iyo ururka IGAD.

Goobjoog News