U bood dhigaalka

Cabdiweli iyo Gaas oo Garoowe ka furay barnaamijka siyaasada deegaanka

Sheeko:Dalka
Bidix:  Cabdiweli Shekh Axmed iyo Cabdiweli Maxamed (Gaas)
Bidix: Cabdiweli Shekh Axmed iyo Cabdiweli Maxamed (Gaas)

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta daah furay barnaamij lagu soo bandhigay siyaasada deegaanka oo lagu qabtay xarunta hay’adda PDRC ee magalada Garowe.

Barnaamijka siyaasada deegaanka waxaa soo diyaarisay wasaarada deegaanka, daaqa,duurjoogta iyo dalxiiska maamulka Puntland iyada oo ay ka soo qeyb galeen madaxwaynaha maamulka Puntland, ku xigeenkiisa iyo ra’iisul wasaraha dalka kuwaas oo khudbado ka jeediyay.

Ra’iisul was are Cabdiweli ayaa sheegay in ay aad u soo dhawaynayaan siyaasada deegaanka ayna ku dabaqi doonaan tan Soomaaliya arrimaha deegaanka maamulka Puntland.

Madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay goobta ayaa xusay in ay muhiim tahay in laga hor tago xaalufka lagu hayo deegaanka oo sababtay abaar soo noq noqday.