U bood dhigaalka

Cabdixamiid Macallin “Guul Weyn Ayay Noo Tahay In Aan Ku Ciyaarno Stadium Muqdisho”

Sheeko:Cayaaraha

Tababaraha Xulka Qaranka Da’yarta Soomaaliya Cabdixamiid Macallin Maxamed ayaa sheegay in aad ugu faraxsanyahay helitaanka garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho wuxuuna intaa ku daray in door wanaagsan ka qaadan karo kobaca iyo horomarka guulaha Xulka Da’yarta Qaranka.

“Shalay ma anan haysan garoonkan oo kale,balse wuxuu ka qeyb qaadanayaa horomarka guulaha Xulkada’yarta,dhallinyarada Xulka aad ayay ugu faraxsanyihiin helitaanka Stadium Muqdisho, waxayna aad u xiisanayaa maalin in ay ku dheelaan tuulada isboortiga Stadium Muqdisho ”ayuu Goobjoog Sports u sheegay Cabdixamiid Macallin Maxamed oo ah Macallinka Xulka Qaranka Da’yarta Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo Waraysi Uu Goobjoog Sports Siiyay Macallin Cabdixamiid Maxamed

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle