U bood dhigaalka

Qoraa Cabdul qaadir Oromo oo ku geeriyooday London

Sheeko:War
oromo
Cabdulqaadir Oroma

Allaha u naxariistee waxaa habeenkii xalay ahayd Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday qoraagii caanka ahaa Ee Soomaaliyeed Cabdul qaadir Macalin Cismaan {Oromo}oo isagu muddooyinkaanba ku Xanuunsanaa London .

Cabdulqaadir Oromo ayaa isbitaalka uu ku geeriyooday wuxuu u jiifay xanuun muddooyinkii dambe hayay oo halkas loo dhigay, balse weli lama sheegin cudurka uu dhintay wuxuu ahaa.

Qoraagan ayaa wuxuu qoray intii uu dalku ku jiray burburka buugaan fara badan oo ay ka mid ahaayeen; Sababihii Burburka Somalia.Tiirkii Colaadda. Sooyaalka Soomaaliya, Hadimada Gumeysiga iyo kuwo kale oo fara badan.

Sidoo kale, wuxuu lahaa buugaag iyagana uu si gaar ah uga hadlayo dadka Soomaaliyeed iyo dhibaatada dhexdooda taalla, waxaana ka mid ahaa; Ilmo Dahabo Tool-moon, Salaamullahaa Calal Xujaaj, Dhagax Kariye iyo Been Dhoobe, Toban Kunleey iyo kuwo kale.

Wararka Goobjoog news