U bood dhigaalka

Cabdullaahi Gaafow Maxamuud Oo Noqday Taliyaha Cusub Ee NISA

Sheeko:Dalka

Golaha Wasiirrada ayaa shirkoodii sabtidii si rasmi ah ugu magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo  S/G Cabdulaahi Gaafow Maxamuud.

Go’aanka wasiirrada ayaa imaanaya kadib markii madaxweynaha uu xilka ka qaaday taliyihii hore ee NISA isla markaana uu si KMG ah Gaafow xilkaas ugu dhiibay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xeer madaxweyne xilka uga qaaday taliyihii hore ee NISA Jen. C/raxmaan Tuur Yare, Xeerkan ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa dhaqangalay 14 June 2016.

Tuuryare ayaa waxaa loo magacaabey in uu noqdo La-Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha.

Goobjoog News,