U bood dhigaalka

Cabdullaahi Jaamac Oo Usoo Gudbay Fiinaalka Orodka 1500 mitir Cayaaraha Da’yarta Olombikada Wadamada Soonka Shanaad 

Sheeko:Cayaaraha

Cayaaryahan Cabdullaahi Jaamac Maxamed ayaa usoo gudbay fiinaalka cayaaraha orordka 1500m mitir kadib markiiuu uu ka qayb galay isreereebreebka tartanka orodka.

Ciyaaryahan Cabdullaahi oo 15 bishii hore March kaalinta koowaad ka galaay cayaarihii ka dhacay dalka Jabuuti ayaa rajo wanaagsan ka qaba inuu markale bilad kasoo hoyo tartanka da’yarta Olombikada Wadamada Soonka shanaad ee ay ku midaysan yihiin dalalka geeska Afrika waana markii ugu horeesay tartanka Soonka shanaad la qabto.

Maalinta berri ah oo ay taariikhda ku beegan tahay afarta April 2019 ayuu cayaaryahan Cabdullaahi Jaamac u tartami doonaa bilada orodka 1500 mitir    cayaaraha da’yarta Olombikada wadamada  Soonka

“Allah ayaa mahad iska leh wixii aan ku haminayay qeyb ka mid ah waan gaarnay,bishii lasoo dhaafay ayaa sheegay in ay iga go’an tahay in aan soo celiyay sharafkii uu dalkeena kulahaa ciyaarah fudud waxaan u mahad celinaynaa cid walba oo kaalin ka qaatay guushan”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay ciyaarayahan Cabdullaahi Jaamac.

Dhanka kale Cabdirashiid Yuusuf oo ka qayb galay orodka 800 mitir ayaa ku dhammaystay kaalinta shanaad ee orodka waxayna tani ku timid dadaal ay ku bixiyeen guddiga Olimikada Soomaaliyeed iyo Xiriirka ciyaaraha Fudud oo is kaashanaya.