U bood dhigaalka

Cabdullahi Sheekh Nuur“Xulka Qarankeena Oo Ku Ciyaara Gurigeena Waa Wax Weyn”

Sheeko:Cayaaraha

Gudoomiye ku xigeynka 2aad ee xiriirka kubbadda cagta Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed oo ka mid wafdigii hogaaminayay xulka qaranka 20jirada ee todobaadkii lasoo dhaafay ka badiyay xulka Jabuti ayaa sheegay in kulankaas uu fursad iyo horomar u ahaa kubbadda cagta dalka.

Soddon sano ka dib ayuu xulkeena ciyaar saaxiibtinimo u aaday dalka Jabuuti waxaana ciyaartaas wiilasha Ocean Stars ay 4-1 ugu badiyeen dhigooda Jabuuti,iyadoo arintaas ay albaabada u furtay gudaha sanadka cusub ee 2019 ay soo booqondoonaan xullalka dariska ah.

“Ka dib markii lana doortay bishii lasoo dhaafay November waxaa soo muuqanayay is badalo waa weyn oo ka imaanayay safarada xulkeena waxayna natiijooyinkaas guul iyo horomar u aheyd qof walba oo Soomaaliyeed meelb oo joogo”Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed oo ah gudoomiyahay ku xigeynka 2aad xiriirka kubbadda cagta ayaa sidaas u sheegay Goobjoog Sports.

 Feysal Xasan Axmed ayaa saddex gool u dhaliyay xulka qaranka,isagoo noqday laacibkii ugu horeeyay hatrick u dhaliyay xulkeena waxayna arintaas farxad gelisay xirfadlayaal badan oo ku barbaaray qurbaha maadaam uu xidigahaas ka mid koox qurbajoog oo caasimada ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho u imaaday bishii October wuxuuna Feysal iminka qaranka u dhaliyay afar gool wuxuuna ka kala dhaliyay wadamada Jabuuti iyo Ethiopia.

“Waa in aan ku shaqaynaa Soomaalinimo koox,gobol ama cid kale sooma celin karto guulaha iminka ay bilaaweyn xulkeena,balse waxa ay ku timid wada shaqeynta wacan ee ka dhaxaysa xiriirka kubbadda cagta,Wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada,Gobolka Banaadir iyo xiriirada kubbadda cagta Maamul-Goboleedyada”waxaa sidaas Gooboog Sports u sheegay Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed oo ah gudoomiye ku xigeynka 2aad xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

Si kastaba Wararka qaar ayaa sheegaya in horaanta bisha Janaayo 2019 ay caasimada Muqdisho u imaanadoonaan xulka qaranka Jabuuti mudo 30-sano ka dib waxayna arintan go’gool u noqonaysaa in qaramadeena ay ku ciyaaraan garoomada gudaha ee kubbadda cagta.

Halkan Ka Daawo Gudoomiye Cabdullahi Sheekh Oo La Hadlay Warbaahinta

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/130419134530740/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle