U bood dhigaalka

Cabitaanka Khudaarta Gudaha Laga Sameeyo Oo Laga Doortay Midkii Dibadda

Sheeko:Dalka

Hareeraha waddooyinka magaaladda Muqdisho waxaa lagu arkayaa dhalinyaro sameyso cabitaanka noocyadiisa kala duwan kuwaas oo  cabitaan ahaan looga iibiyo dadka, waana ganacsi si maalinle ah loogu shaqeysto shiiditaanka cabitaanka laga sameeyo khudaarta dalka ka soo go’da.

Ganacsatadan yayyar ayaa isticmaala hab ka duwan qaabkii awal cabitaanka loo sameyn jiray, dadkana looga iibinjiray, qofka asaga oo  taagan ayaa cabitaanka nooca  khudaarta uu doonayo ayaa loo shiidayaa, ganacsadan dhalinyarada ah  khudarta waxaa ay ka  keenaan gobalka Shabeelaha hoose oo caan ku ah khudarta noocyadeeda kala duwana laga soo saaro.

Aadan Maxamed Cali oo ka mid ah  dhalinta ka ganacsata cabitaanka noocaan ah oo la hadlay Goobjoog New ayaa sheegay in cabitaanka noocan ay u sameyaan ay ka helaan faa’ido badan taas oo ay ku dabbaran noloshooda iyo midda qoyskoodaba, dadkuna ay si fiicaan ay u laqabsanayaan.

‘waxaa aan dareemayaa inuu faa’ido badan leeyahay, dadkana hadda ay laq absadeen, markii hore waan ku dhibaneyn in ay dadku fahmaan lakiin hada waxa aan dareemaynaa  inaan aad u shaqeyno, shaqo ka badan intii hore, dadka ayaana hada dareemay  faa’idada khudaarta waxa ayna dadku ka tagayaan isticmalka cabitaanada dibadda ka yimaada” ayuu sheegay Aadan.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay nooca khudaarta “Khudaarta hadda aan aadka u shiidno waxaa kamid ah: Baamiyaha kaas oo leh faa’ido badan lana sheego inuu dhaliyo dheecaanada isgoysyada lafaha bini aadamka iyo khudaarta kale sida Canbaha, babeyga, liinta iyo kaarootada, waxaan ku shaqeynaa ilaa 12 qof lix malinta shaqayso iyo ku lix xiliga habeenkii shaqeyaan, dadka hadda si fiican ayey ula qabsadeen waxaana  badan dalabka kala duwan ee naga soo gaarayo xaafadaha .

Fahamka dadka ku nool magaaladda Muqdisho ee qiimaha khudaarta dalka ayaa keentay in macaamiil badan ay ka helaan dadka khudaarta cabitaanka ah sameeyo sida uu ku waramay Sahal Maxamed Xasan oo leh mid ka mid ah meelaha lagu sameeyo cabitaanka.

‘Meeshan shaqada aad ayey noogu kala socotaa, shaqooyin badan oo horay aan u heynay ayey nooga fiican tahy, dhalinyarada  xaafadda, duqowda, ardayda iyo dadka dalabaadka ah aad ayaa loo qaata cabitaanka nuucan ah, dadkana aad ayey hadda u barteen ulana qabsadeen khudaarta, taasna waxa ay ka qeyb qaadaneysaa in aan ka joogno inaan samayno cabitaanada dibadda laga keeno, dadka khudaarta beeraana waxa ay helayaan suuq badan iyaga oon ku dhiiranaayo inuu waxbadan  soo saaro.

Dhanka kale macaamiisha iibsata cabitaanka khudaarta laga sameeyo ayaa aad u ammaanay, iyaga oo sheegay in cabitaanka dalka uu leeyahay dhadhan dabiici ah, oo aad u wanaagsan, faa’idana u leeyahay caafimaadka jirka.

Goobjoog News