U bood dhigaalka

Cabsi Ka Jirta Deegaanka Xaafuun Ee Gobolka Bari

Sheeko:Dalka

Dadka ku nool deegaanka Xaafuun ee gobolka Bari ayaa ka cabsi qaba Iney ku dhufato duufaanta Luban.

Wararka laga helayo deegaankaasi ayaa waxay sheegayaan in dadka ay galeen feejignaan xooggan, waxaana ay ka fogaadeen meelaha qatarta ay kala kulmi karaan.

Sidoo kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in Duufaanta Luban ay saacadihii hore ee maanta ku dhufatay cirifka Bari ee Soomaaliya, gaar ahaan halka ay isaga darsamaan badweynta Hindiya iyo badda cas.

Waxaa jirey digniino badan oo ku aadan in dadku ay ka fogaadaan xeebaha iyo sidoo kale wax walbo oo Qatar u keeni kara.

Goobjoog News