U bood dhigaalka

Cabsi Laga Qabo in Wabiga Shabeelle ku Fataho Xaafado ka Kirsan Jowhar

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar ayaa la soo deristay cabsi ku aadan in Wabiga Shabelle ku fataho xaafado ka tirsan magaalada, kaddib markii uu Wabigu aad u biyo keenay.

Wabiga Shabelle ayaa maalmihii la soo dhaafay si aad ah u soo buux dhaafiyay, waxaana dadka deegaanka ay muujinayeen walaac ku aadan in wabiga sameeyo fatahaad.

Xaafadaha laga cabsi qabo inuu wabiga ku fataho ayaa waxaa ka mid ah kuwo ku dhow Jiinka Wabiga, waxaana odayaasha iyo waxgaradka ay soo saareen baaq ku aadan in maamulka, ganacstada iyo shacabka gacan ka geystaan si loogu hortago fatahaada.

Xilli kasta oo uu Wabiga biyo keeno ayaa waxaa ka dhasha daadad iyo fatahaad, waxaana sabab u ah in aan wabiga marka uu guro la sameyn in carada gudaha ka jirto laga saaro, si loo ballaariyo iyo in aanay biyo xireeno looga gaashaanto mar walba oo uu biyo keeno wabiga.

Sanadihii u dambeeyay ayaa fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle waxaa uu saameeyay boqolaal kun oo qoys oo ka qaxay tuulooyin iyo deegaano ka tirsan magaalada Jowhar, iyadoo magaalada ay noqotay mid go’doon ah oo biyo ay gooyeen waddooyinka looga galayay.

Goobjoog News