U bood dhigaalka

Cabsi Laga Qabo ” Shutdown” Ku Yimaada Hey’adaha Dowladda Federaalka Ah!!

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta xarunta golaha shacabka ku leh kukn wadajir ah si looga baaqsado Shutdown ku yimaada hey’adaha dowladda federaalka taasi oo saameyn ku leh mushaaraadka shaqalaha iyo qoondada miisaaniyadda 2020-ka.

Maxaa Loola Jeedaa Shutdown?

Haddii uu baarlamaanka federaalka ah anisixin waayo miisaaniyadda ka hor 1-da Janaayo 2020-ka  amaba iska diido oo xukuumadda federaalka ah dib ugu celiyo, hey’adaha dowliga ah waxaa ay galayaan “Shutdown”,  waxaa shaqo la’aan noqonaya xafiisyo badan oo  hey’adaha dowliga ah, waxaa mushaar la’aan noqon-doono shaqaalaha rayidka iyo ciidamada, waxaa ugu daran ciidamada waxaa ka go’i-doonna  raashiinka, saadka iyo waxyaabaha kale, waxaana ay wasaaradaha xukuumadda federaalka ah waayi-doonaan qarashkii howlaha lagu socod-siin lahaa ee “running costs”, qarashkan intooda badan 6 bil ayuu horay uga maqnaa.

Saameynta ugu weyn, waa baarlamaanka federaalka ah oo fasax geli-doono mushaar la’aan, waxaa intaas dheer macalimiin iyo adeegyo gaar ah saameyn weyn soo gaari-doonto.

Xal Ma Jiraa?

Haddii kahor caawa aan la ansixin miisaaniyadda 2020-ka, oo dalku galo “shutdown”, waxaa qasab noqoneysa in saddexda bil ee ugu horeysa lagu shaqeeyo miisaaniyaddii 2019-ka, taasi oo qalqal maaliyadeed abuuri karta, waxna ka badali karta qoondada iyo ku-tagalka miisaaniyadda 2020-ka.

Tallaabta maanta isugu yimaadeen waa qorshe looga badbaadi karo “Shutdown” ku yimaada hey’adaha dowladda waase haddii la ansixiyo.

Kulanka Maanta:

Xildhibaannada Baarlamaanka labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa Maalintii labaad oo xiriir ah waxa ay Magaalada muqdisho ku yeelan doonaan kulan wadajir ah.

Ajandaha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 3aad Miisaaniyadda Dowladda ee sanada 2020,iyada oo Xildhibaannada labada Aqal xalay lagu wargeliyey in uu jiro kulanka wadajirka ah ee labada Aqal.

W/D: Cabdi Caziz Gurbiye