U bood dhigaalka

Cadaado: Doorashada Aqalka Hoose Oo Socota

Sheeko:Baarlamaanka

Doorashada xildhibaannada aqalka hoose ayaa ka socota magaalada Cadaado ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Labo meel oo ay ka socoto doorashada waxaa ku tartamaya musharrixiin dhowr ah oo u ordaya kamid noqoshada baarlamaanka cusub ee federaalka.

Cabdiweli Maxamed Qanyare  ayaa 48 cod kaga guuleystay musharrixii la tartamayay ee Bashiir Cali Cadow waxaana Cabdiweli uu hadda ahaa xildhibaan ka tirsan dowladdani.

Kursiga hadda tartankiisa uu socdo waxaa ku hardamaya ragga kala ah

  • Xasan Seed
  • Cabdulqaadir Maxamed Jaamac Qalabxoor
  • Cabdikariin Khaliif Dhalac

Musharrixiintani oo ku tartamaya kursigani ayaa ergadii dooran lahayd ay diyaar ku tahay xarunta doorahada magaalada Cadaado.

Shalay ayaa magaalada Cadaado aynaan ka jirin wax doorasho ah kadib muranno ka dhashay kuraasta lagu tartamayo qaarkood.

Wixii soo kordha dib kala soco

doorashada-cadaado-gal doorashada-cadaado-galm

doorashada-cadaado-ga

Goobjoog News