U bood dhigaalka

Cadaado: Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare oo Booqday Iskuulka“Maandeeq Academy”

Sheeko:Dalka

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed ayaa maanta booqday Iskuul-ka “Maandeeq Academy”, waa iskuul uu muddo ka hor ka hirgeliyay magaalada Caadaado si ay wax ugu bartaan caruurta dadka danyarta ah.

Iskuulakan oo ku dhex yaalla kaamka Badbaado oo ka mid ah kaamamka ugu waaweyn ee dad barakacayaal ah ay ku noolyihiin ee magaalada Cadaado ayaa waxaa wax ka barta 250 arday oo iskugu jira wiilal iyo gabdho.

Gudoomiye Abshir Maxamed oo jimcihii gaaray Cadaado ayaan iskuulka u tagay si uu u eego heerka waxbarasho ee ardayda iskuulka wax ka barata.

Iskuulka “Maandeeq Academy”ayaa waxaa hirgeliyay xafiiska Arimaha bulshada ee senator Abshir Maxamed iyadoo sanad iyo bar ka hor xarigga laga jaray, ardaydu si lacag la’aan ah wax ku bartaan.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee golaha Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed oo booqasho ku jooga deegaan doorashadiisa degmada ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa sheegay inuu halkaa u gaaray soo indha indheynta xaaladda dadkii soo doortay oo uu dib ugu laabtay iyo inuu halkaa ka hirgaliyo Maktabad uu u furayo dhalinyada magaalada, si ay aqoontoodu u kobacdo.

Goobjoog News