U bood dhigaalka

Cadaado: Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad Ee Aqalka Sare Oo Ka Furay Machadka Indhoolayaasha Galmudug

Sheeko:Dalka

Senator Abshir Maxamed Axmed “Bukaari“ oo ah guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee aqalka sare ee baarlamaanka 10aad ayaa Isniintii waxaa uu magaalada Cadaado oo haatan ah xarunta KMG ahaa ee maamulka Galmudug ka furay machadka indhoolayaasha Galmudug.

Machadkan oo lagu tababari doonaa dadka aragga la’a ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee noociisa ah ee laga furo gobolka, waxaa ka faa’idi-doona dadka ku nool gobolka.

Mid ka mid ah indhoolayaashii xafladda ka hadlay ayaa tilmaamay in senator Abshir uu indhihii u furay, waxbarashana ay ugu sokeysay Garoowe iyo Muqdisho:

“Senator Abshir Bukhaari Kheyr Alle ha siiyo, Illaahay ha barakeeyo, hadda ka hor iskuulka barakacayaasha ayuu furay, waan ka warhaynaa, haddeerna xafiiskii indhoolayaasha ayuu furayaa, waxaan leenahay waa ninkii noogu horeeyay ee indhaha noo kala qaada. Waxbarasho Muqdisho iyo Garoowe ka dhaxayda lama arko waan ognahay.”

Waxaa sidoo kale furitaanka machadka soo dhaweeyay guddoomiyaha Indhoolayaasha Cadaado Cabdi Xasan Maxamed isaga intaa raaciyay in waxbarashada ay ugu wanaagsan tahay in dadka indhoolayaasha sadaqo la siiyo.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Cabdullahi Cabdiraxmaan Xuseen oo xafladda ka hadlay ayaa soo dhaweeyay machadkan indhoolayaasha isaga oo dhanka kale bulshada ku dhiirigeliyay in la abuuro wacyigelin la xiriirta sida loola dhaqmo dadka aragga la’a gaar ahaan sida wadada loo gudbiyo.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare Mudane Abshir Maxamed oo arrintan ka hadlay waxaa uu yiri“Waxaan ku faraxsanahay in aan taageero indhoolayaasha Galmudug, si loo fududeeyo caqabadaha ayaa maalin walbo la kulmaan”

Abshir Bukhaari waxaa uu January sanadkan isla magaalada Cadaado ka furay Iskuulka Maandeeq Academy  kaas oo ay wax ku bartaan caruurta barakacayaasha ah.

Adeeggan ay Iskuullada ku jiraan waa adeegga deegaan doorasho waana mid ka mid aha shaqada loo doortay Xildhibaannada baarlamaanka 10aad.

Goobjoog News

Sawirro:

IMG_0724 IMG_0725(1) IMG_0732 IMG_0733 IMG_0758 IMG_0862 IMG_0864