U bood dhigaalka

Cadaado Iyo Baydhabo Oo Doorashada Aqalka Hoose Uu Dib U Dhac Ku Yimid

Sheeko:Baarlamaanka

Iyadoo lagu ballansanaa in magaalooyinka Cadaado iyo Baydhabo ay ka billaabato doorashada aqalka hoose ee wajiga labaad ayaa dib u  dhac uu ku yimid.

Wararka Goobjoog ay ka heleyso magaalooyinkaasi ayaa sheegaya in culeysyo jira awgood uu keenay dib u dhaca.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka dadban ee Koonfur Galbeed Sayid Ali Baafo ayaa Goobjoog News u sheegay in wajiga labaad maanta uu dib u dhac ku yimid.

Wuxuu sheegay in wajiga labaad inta ugu badan cod bixiyeyaasha ay ka imaan doonaan gobolka Shabeellaha Hoose.

Sayid Cali ayaa tilmaamay in ergada ka imaanaysa Shabeellaha Hoose ay diyaarinayaan meeshii la dejin lahaa islamarkaana kuraas ka badan 20 kursi la soo gebagebeyn doono muddo dhow.

Dhanka kale, wuxuu ka jawaabay cabasho ka imaanaysay qaar kamid ah mushariixiinta iyo ergada qaarkood islamarkaana cabashooyinka qaar ay xaliyeen.

Dhanka kale, magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug ayaa dib udhaca doorashada uu ka jiraa.

Warar ay Goobjoog News heleyso waxay tilmaamayaan in buuq iyo khilaafyo jira aawadood dib u dhaca ay keeneen.

Waxaa kaloo jira cabashooyin ay qabaan beelaha qaar oo iyaga siyaasiyiintooda ay ku loollamayaan kuraasta ka dhaxeysa.

Galmudug oo weli faahfaahin ka bixin arrintani ayaa mar aan isku daynay inaan wax ka weydiinno ay inoo suuratagali weysay.

Goobjoog News