U bood dhigaalka

Cadaado: Ka Ganacsiga Kalluunka Oo Soo Batay

Sheeko:Dalka

Ka ganacsiga kalluunka iyo isticmaalkiisa magaallo aan lahayn Xeeb iyo Webi ayaa ah mid muujineysa ahmiyadda uu Soomaalida dhexdeeda ku leeyahay isticmaalka Kalluunka.

Cadaado oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa ah magaalo aan lahayn bad iyo webi, waxaana xeebta ugu sokeysa ee magaaladan ka heli karto kalluun ayaa ah Hobyo oo qiyaastii 300KM u jirta degmada Cadaado.

Qaboojiyeyaal ayaa suurtageliyey in magaalada Cadaado hesho Kalluun markaasi lasoo qabtay, si lamid ah magaalooyinka kale ee xeebaha leh, lagana heli karo xilli walba.

Xilliyada habeenkii ah ayaa magaalada Cadaado waxaa kusoo badanaya goobaha lagu shiilo Kalluunka.

Qaar kamid ah macaasmiisha ku xiran oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ay aad usoo dhoweynayaan in Cadaado xilligaan laga helo Kalluunka.

“Kalluunku waa hilib macaan yahay, caafimaad badan yahay, waana ku faraxsannahay in halkaan Kalluun laga helo, magaalada Koboc weyn baa ku yimid, waxaa laga dareemayaa isbedallo badan” ayuu yiri Liibaan oo kamid ah shacabka Cadaado.

Ganacsatada Kalluunka geysa Cadaado ayaa sheegaya in waqti badan ay ku qaadatay in shacabka ay la qabsadaan iibsiga Kalluunka, balse ugu dambeyn ay dadku la qabsadeen sida uu sheegayo C/laahi C/lle Xuseen oo ah maamulaha shirkadda Cadaado Fish.

“Shaqada markii hore shirkad dhan baan ku bilownay oo matooradeeda, gaadiidkeeda waxaas wadata, dadkii Kalluun maba isticmaalayaan, sidaasi darteed shirkaddii wey socon weysay, waayo Kalluunka xilligaasi gobolladan maba laga isticmaaleyn, sidaasi darteed markaan Cadaado ku bilownay waxbo maalintii kuma baxaynin, balse hadda dadka aad bay ula qabsadeen oo waan  barnay” ayuu yiri C/laahi C/lle Xuseen.

Goobjoog News