U bood dhigaalka

Cadaado Loogu Caal-waayey Shirka Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado, ee xarunta baarlamaanka Galmudug ayaa sheegaya in odeyaasha dhaqanka ee Cadaado ay ka biyo-diideen soo-jeedinta guddiga ay dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug u magacawday dowladda federaalka ah.

Odeyaasha ayaa la sheegay iney guddiga hordhigeen arrimo lagama gudbaan ah, taasi oo ay jawaab u waayeen ergada ra’isul wasaare Xasan Kheyre.

Qodobbada ayaa kala ahaa: Ama hala hirgeliyo heshiisyadii iyo Dekrootooyinkii hore, ee dhigayey in Cadaado tahay caasimadda baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ama hala wada baa’biyo, oo aan hadda inta aan isu nimaado, qoronno heshiisyo cusub oo ay ku jiraan caasimadda maamulka iyo arrimo kale.

Guddiga ayaa la sheegayaa iney ku adkeysteen in wixii cabasho looga tashto kulanka Dhuusamareeb, arrintaas oo u cuntami weysay odeyaasha Cadaado.

Goobjoog News