U bood dhigaalka

Cadaado Oo Ay Ku Soo Badanayaan Isticmaalka Caagadaha Loo-yaqaanno Raranaha

Sheeko:Dalka

Faadumo Axmed Cali waxaa ay haybad u leedahay sameynta Farshaxanka , waxaa ayna sameysaa caagadaha loo yaqaanno caag dahaarka oo lagu qaboojiyo biyaha .

Faadumo Cali oo ku nool Cadaado ayaa ganacsi ka sameysa caagadaha ay sameyso iyada oo ku maareyso nolol maalmeedkeeda, caagadahan ayaa inta badan laga isticmaalaa magaalada Cadaado.

Faadumo oo Goobjoog News la hadashay waxaa ay tiri  “Waan tolaa caagadaha, waana gadaa halkii caaq tobanle ah oo aan tolo waxaa la iga siiyaa lacag dhan toban doolar, halka mid saddexlaha ah la iga sii yo shan doolar”.

Goob kasta oo ganacsi oo ku taallo Cadaado ayaa lagu arkaa caagadahaan ay tosho Faadumo, waxaa ayna dadka qaar ay u door bidaan caagadahaan caafimaad ahaan.

Qof ka mid ah dadka isticmaalo caagadaha ay sameyso faaduma oo la hadlay Goobjoog News waxaa uu yiri “Aniga waxaan aaminsanahay in caagaan uu biyaha sifiiyo barafkana waa looga maarmaa, biyahana aad ayuu kuugu qaboojinaa”.

Qof kale oo isticmaala caagaan waxaa uu isna yiri “Maadaama bishii Maarso lagu jiro biyaha ayaan ku qabowsannaa caagaan waxaana uga maaranaa in aa baraf gadanno”.

Dadka ku nool cadaado ayaa caagaan aad u isticmaalo iyaga oo kaga maarma barafka.

Goobjoog News