U bood dhigaalka

Degmada Cadaado oo Dhisatay Gole Deegaan iyo Dhaarinta Xubnaha oo Dhacaysa

Sheeko:Amniga

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u-heshiisiinta dowlad goboleedka Galmudug ayaa shaacisay liiska xildhibaannada golaha deegaanka degamada Cadaado ee gobolka Galgaduud, kadib doorashadii ka dhacaday magaalada, taas oo lagu soo doortay xubnaha kamid noqonaya golaha degmada Cadaado.

Maalinimadii Sabtida aheyd ayaa bulshada degmada Cadaado waxaa ay u dareertay doorashada golaha, kuwaas oo ka kooban 23 xubnood, waxaana maalintii koowaad lasoo doortay 12, xubnood, halka 11 xubnood oo kale dib looga kale doortay maalmihii xigay, waxaana wadartay xildhibaannadu tahay 23 mudane.

Golaha deegaanka oo ka kooban 23 xubnoood ayaa lagu wadaa in maanta ladhaariyo, waxaana sidoo kale la diiwaan gelin doonaa musharraxiita guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa oo ay u taagan yihiin afar musharrax, kuwaas oo u kale tartamaya guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka degmada Cadaado.

Hannaankaan ayaa waxaa waday wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Galmudug, waxaana  dhowaan lagu wadaa in doorasho nuucaan ay ka dhacdo degmooyin kale oo ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud oo hoostaga maamul Goboleedka Galmudug Soomaaliya.

Golaha deegaanka cusub ee lagu doortay magaalada Cadaado ayaa waxaa lagu wadaa in ay iska dhex doortaan dhexdooda guddoomiyaha degmada iyo ku-xigeenkiisa, waxaana la sugayaa in sidoo kale wasaaraddu shaaciso jadwalka iyo habraaca doorashada guddoomiyaha iyo ku -xigeenkiisa.

Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud  ayaa waxaa ay noqotay magaaladii ugu horey ee Galmudug shacabku ay rabitaankooda ku soo doortaan dadkii u adeegi lahaa, waxaana maamulku in sidaan oo kale laga sameeyo degmooyin maamul goboleedka Galmug, iyadoo dhowaan degmo loo aqaansaday magaalooyinka Baxdo iyo Wisil.

No photo description available.

No photo description available.Goobjoog News