U bood dhigaalka

Cadaado Oo Laga Hirgaliyey Layrarka Ku Shaqeeya Cadceedda

Sheeko:Dalka

Magaalada Cadaado ayaa waxaa laga hirgaliyey Layrarka ku shaqeeya Cadceedda kuwaasi oo habeenkii la isticmaalo.

Qaar ka mid ah xaafadaha ayaa laga hirgalinayaa Layrarkan kuwaasi oo sida la sheegay ay iska kaashadeen hirgalintooda wasaaradda Qorsheynta Galmudug iyo xafiiska ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Xaafadaha laga hirgalinayo Layrarka waxaa ka mid ah Karaama iyo Galbeed kuwaasi oo si gooni ah looga hirgalinayo Layrarka cadceedda ku shaqeeya.

Dadka ku dhaqan Xaafadaha magaalada Cadaado gaar ahaan kuwa laga hirgalinayo Layrarka ayaa waxaa loo sameeyay tobabar ku saabsan sidii ay u ilaalin lahaayeen Layrarkan.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Cabdullahi Tootoole ayaa ka hadlay hirgalinta Mashruucaan waxaa uuna yiri “dadka ku dhaqan Cadaado waxaan leeyahay ilaalsada Layrarkan adinka oo lasoconayo dayac-tirkooda iyo ka war qabkooda intaba”.

Shacabka ku dhaqan xaafadaha laga hirgalinayo Layrarka cadceedda ayaa si weyn u soo dhoweeyay barnaamijkan iyaga oo sheegay waddooyinka xaafadaha ay ahaayeen kuwo mugdi ah.

Goobjoog News