U bood dhigaalka

Cadaado Oo Laga Mamnuucayo Hubka Sharci Darrada Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ay ka mamnuuci doonaan hubka sharci darrada ah ee dadka shacabka ay wataan.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in lagu guuleystay wax ka qabashada amniga guud ee magaalada Cadaado iyo deegaannada kale ee maamulkaasi ka arrimiyo.

Waxa uu tilmaamay in hadda Cadaado ay ka wadaan ka xareynta ciidanka hubeysan oo la geeyo xerooyinkooda, islamarkaana sidoo kale magaalada laga mamnuuci doono hubka lagu dhex wato.

“Qoriga qof walbo ayaa iska haysto, waxaan wadnaa in xeryo ku xareyno ciidamada, magaaladana laga mamnuuco qof hub ku dhex wato, hadda waxaan wadnaa la tashiyo bulsho iyo saraakiisha ciidamada dhawaanna tallaabadan ayeeynu qaadi donnaa” ayuu ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Magaalada cadaado waxaa maalmihii ugu dambeeyay kusoo batay rasaas ulajeedkeeda la ogeyn oo iska dhacda iyo mararka qaar oo halkaasi ay ku dagaallamaan ciidamada ku wada sugan magaaladaasi.

Goobjoog News