U bood dhigaalka

Cadaado Oo Looga Diyaargaroobayo Doorashooyinka Aqalka Hoose

Sheeko:Dalka

Degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxaa ka socota qabanqaabada lagu dooranayo xubnaha aqalka hoose ee heer Federaal, iyadoo dhowaan la xareyn doono ergada dooranaya xubnahaasi.

Musharaxiinta ku loolamaya kuraasta aqalka hoose ayaa ololahooda siyaasadeed ka wada magaalada, waxayna kala jiidanayaan dadka ergooyinka soo galay, ama rajada ka qaba iney liiska kusoo baxaan.

Yuusf Diiriye Maxamuud, waa afhayeenka guddiga doorashooyinka daban ee Galmudug, waxa uu sheegay in  si wanaagsan ay ku qabsoontay doorashadii 8-da xubnood ee aqalka sare, midda soo socotana ay si habsami leh u dhici doonto, inta badanna loo soo gudbiyey liiska ergada doorashooyin, inkastoo ay jiraan beelaha qaar oo aan weli liiskooda soo gudbin.

“Doorashadii aqalka sare si wanaagsan bay u dhacday, waxaa loo gudbay wejigii Labaad ee doorashada, salaadiinta soo xuleysa ergooyinka aqalka hoose soo dooranaya guud ahaan Cadaado ayeey ku sugan yihiin, inta badan wey soo gudbiyeen foomamkii ergooyinka lagu soo xulayey, inkastoo weli qaarkood aan ka war sugeyno” ayuu yiri Afahyeenka.

Imaam Cumar Macalin Abshir wuxuu isna kamid yahay 135 oday dhaqameed ee kaalinta weyn ku leh howlaha doorashooyinka, wuxuu walaac ka muujiyey galaangalka siyaasiyiinta iyo musharraxiinta xil doonka ah, wuxuuna sheegay in ay kaalin ku leeyihiin xubnahaasi daaha soo gudbinta ergada doorashooyinka.

“Siyaasiyiin badan waxay dhigteen dabin badan, waxaan dhihi karaa in wax walbo la qaban waayo, oo ergooyinka la xareyn waayey waa damaca siyaasiyiinta oo dadkii oo dhan madaxa isku gelinayaan” ayuu yiri Imaamka.

Sidoo kale Imaam Cumar ayaa rajo xumo ka muujiyey in doorashooyinka dalka ay ku dhacaan waqtigii loogu talogalay.

“Inta Siyaasiyiinta ay dabinka wadaan doorashada lagama yaabo in waqtigeeda ku dhacdo, dhaqanka waxaaba ka xoog batey hadda siyaasiyiinta, siyaasiga ayaaba dadkii oo dhan isku direy, waxaan muujinayaa walaac weyn, sidey wax u soconayaan shaki badan baa iiga jira” ayuu hadalkiisa raaciyey Imaam Cumar Macallin.

Deeqo Cali Maxamed iyana waxay kamid tahay ergooyinka liiskooda loo gudbiyey guddiga doorashooyinka, waxa ay u sheegtay Goobjoog News, in siyaasiga mooda in wax walbo lacag yihiin aan la dooran doonin, islamarkaana dadka ay matalaan wax ugu soo dooran doonaan  si aan musuq ku jirin.

“Ninka aad dooratey dhibka uu geysto kala bar baad leedahay, ninka mooda in laaluush lagu dooranayo ama kan moodaya ergada iyo beelaha in la iibsanayo ma ahan wax socon doona”

Inta badan gobollada dalka ayaa waxaa looga diyaar garoobayaa doorashooyinka aqalka hoose, iyadoo maamul goboleedyada ay soo gudbiyeen qaar kamid ah liiska ergada doorashooyinka.

Goobjoog News