U bood dhigaalka

Cadaado: Shuruudo La Hor Dhigay Musharraxiinta Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Dadban ee Galmudug ayaa soo saaray shuruudaha looga baahan yahay mas’uuliyiinta u tartamaya aqalka sare ee dalka.

Guddiga ayaa sheegay in mas’uuliyiin xilala kale haya aaney u tartami karin aqalkan, islamarkaana kahor inta aysan ku dhowaaqin musharraxnimadooda looga baahan yahay iney iska casilaan xilka ay hayaan.

Guddiga ayaa sheegay in musharraxiinta laga doonayo lacag dhan 10 kun oo doolar, islamarkaana musharraxiinta ka maqan Cadaado wuxuu ugu baaqey in degdeg ay ku yimaadaan magaaladaasi.

Yuusuf Diiriye Maxamuud oo ah Afhayeenka guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa saxaafadda u akhriyey shuruudaha laga doonayo musharraxiinta u tartamaya xilka aqalka sare.

“Waxaa la billaabayaa bisha 5-teeda in Madaxweynaha maamul goboleedku soo gudbiyo musharraxiinta aqalka sare, sidaa darteed dhammaan dadka raba iney ka mid noqdaan aqalka sare waxaa lagama maarmaan ah in qof walbo oo haya xil siyaasadeed, doonayana aqalka sare sida xubin baarlamaan ee heer gobol, gole wasiir gobol ama taliye ciidan cid walbo oo xilkaasi rabto marka hore waa iney iska casishaa si ay uga mid noqoto musharraxiinta ku tartamaya aqalka sare, taa mincnaheedu waxa weeye ciddii xil haysa ma dooran karto iney aaddo ama ka mid noqoto aqalka sare, waxaa lagama maarmaan ah markaasi ciddii daneynaysa iney kamid noqoto in casilaad ay marka hore soo gudbiso” ayuu yiri Afhayeenka.

Magaalada Cadaado waxaa maalmihii ugu dambeeyay ku qulqulayey siyaasiyiin doonaya iney u tarmaan Labada aqal ee dalka.

Goobjoog News