U bood dhigaalka

Cadaado: Waxgarad Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaallada Banyaaley

Sheeko:Dalka

Waxgaradka Gobolka Galgaduud ayaa baaq u diray beelaha ku dagalamaya deegaanada  u dhaxeeya Hiraan iyo Galgaduud, gaar ahaan deegaanka Banyaaley.

Kulan ay ku yeesheen magaalada Cadaado ayaa waxa ay ku shegeen in ay aad uga xunyihiin colaadda weli tagaan waxaana y dalbadeen inay si deg deg ah loo joojiyo.

Sidoo kale waxaa ay shegeen inay ka qaybqadaan  donan  sidii colaada loo soo afjari lahaa oo nabad ay uga dhalan lahayd halkaasi.

Dagaal u dhaxeeya maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed ayaa khamiistii dib uga bilowday deegaanka Banyaaley ee gobolka Hiiraan,  dagaalka oo Daaqsin ka dhashay waxaa ku geeriyooday in ka badan 1o qof.

Goobjoog News