U bood dhigaalka

Cadale Oo Mashaariic Horumarineed Laga Hirgelinayo

Sheeko:Dalka

Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Goboleedka  HirShabeelle MD Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu Hogaaminayay oo Gaaray Degmada Cadale ayaa Xarigga ka Jaray Mashaariic Horumarineed oo Laga Hirgaliyay Degmo Xeebeedka Cadale.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlada HirShabelle Md Ali Gudlaawe Hussein oo Socdaalkiisa uu ku Tagay Degmada Cadale ay Isugu Soo Baxeen Soo Dhoweyntiisa Boqolaal Dadweynaha Reer Cadale.

Soo Dhoweynta Kadib Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa Xariga ka Jaray Sagaal (9) Mashruuc oo Qeyb ka ah Horumarinta Degmada Waxayna kala Yihiin.

1-Dhismaha Xarunta Degmada.
2-Dhismaha Guriga Martida
3-Dhismaha Guriga Hooyooyinka
4-Dhismaha Dugsiga H/Dhexe iyo Sare ee Sheikh Axmed Gabyow
5-Dhisida kawaanka Xoolaha
6- Dhisida Kawaanka Malayga
7-Dhisida Suuqa Khudaarta
8- Garoonka K/Koleyga
9- Taalada Nabada ee Sh Axmed Gabyow.

Sidoo kale Waxa uu Dhagax Dhigay Dhismayaal Caalami ah oo Loo Sameynayo Saldhiga Booliska Degmada iyo Maxkamada Degmada Cadal.

Goobjoog News