U bood dhigaalka

Cadde Muuse “Kismaayo Marka La Aadayo Maa Lagu Heshiiyo Gaalkacyo”

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde Muuse) ayaa ka hadlay heshiiskii 11-kii bishan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku gaareen maamullada Puntland iyo Galmudug.

Ugu horreyn waxa uu soo dhoweeyey qodobadii ay ku heshiiyeen Labada maamul iyo sidoo kale in la joojiyo dagaalladii ka socda magaalada Gaalkacyo.

Cadde Muuse ayaa shaki ka muujiyey dhaqan gelinta heshiiskan oo uu sheegay in marar badan heshiis la kala gaarey, balse dib loo dagaallamay isaga oo tilmaamay in mar walbo la buun buuniyo dagaallada Gaalkacyo.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa arrin lala yaabo ku tilmaamay in magaalada Kismaayo lagu qabto shir lagu xalinayo colaadda Gaalkacyo 20-ka bishan, wuxuuna tilmaamay in ay habooneyd in lagu shiro Gaalkacyo ama Tuulooyinka ku dhow.

“Buun buunis badan ayaa laga sameynayaa dagaallada Gaalkacyo, mid la arko wuu faanayaa, adeer dagaal wax lagu faano malahan, nin ninka kale wax ka qaadi karo ma leh, dadka wada deggan ayeey dan ugu jirtaa in nabad iyo wanaag ku noolaadaan, nabadda Gaalkacyo waan ku faraxsannahay, laakiinse ma aqaano sida ay ku suurtagalayso, marar badan baa la heshiiyey, hadane waa la dagaallamay, hadda waxaa la yiri Kismaayo ayaa la aadayaa, maxaa loo aadayaa Kismaayo waa tii Gaalkacyo iyo Tuulooyinka lagu xallin jirey, waa nasiib darro waxa socda, laakiinse waxaan kula talinayaa reer Mudug in iyagu ay dan wada leeyihiin waxaana leeyahay heshiiya oo gacmaha is qabsada” ayuu yiri Cadde Muuse.

11-kii bishan, hoggaamiyeyaasha maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Gaalkacyo waxay kusoo afjareen dagaal maalmo badan  ka soconayey magaaladaasi, waxaana ay gaareen Saddex qodob oo heshiis ah.

Goobjoog News