U bood dhigaalka

Caddeyn: DFS Oo Muujisay Faragelinta Ay Ku Hayso Doorashada K/galbeed

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka Soomaaliya oo markii hore lagu tuhmayey iney farogelin ku hayso doorashada madaxweyne ee maamulka K/galbeed ayaa hadana qoraal arrimahan caddeyn u ah waxa uu kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda dhexe.

Maamulka K/galbeed oo ah maamul leh Dastuur iyo sharci, sidoo kalena xaq u leh go’aan ka gaarista waqtiga doorashada ayaa hadana wasaaradda arrimaha gudaha waxay ku ammartay maamulkaasi ineysan dib u dhigin doorashadooda.

Qoraalka ayaa sidan u qoran:

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka.

Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira koofur galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo.

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koofur Galbeed.

Dhammaad