U bood dhigaalka

Cali Afgooye Oo La Gudoonsiiyey Shahaadada Xildhibaanimo.

Sheeko:Cayaaraha

Guddiga Doorashada Madax banaan ayaa magaalada Baydhabo ku shaaciyay in Cali Sheekh Cabdullahi (Cali Afgooye) uu ku guuleystay doorashada Kursiga Xildhibaannimo ee deegaan doorashadiisa tahay Koofur Galbeed.

Xildhibaan Cali Afgooye aya helay dhammaan cododkii Ergada oo ahaa 51 cod, waxaana tani ay ka mid noqoneysa natiijooyinka doorashooyinka uu qabtay Guddiga doorashooyinka.

“Bilooyinkii lasoo dhafaay ayaan waqti iyo juhdi ku bixiyay sidii aan u heli lahaa kursigan waxaana igu kalifay in aan wax u qabto dadka deegaankayga iyo dhalinyarada oo aad u saaxiibo u nahay”waxaa sidaas Goobjoog ugu wamay Xildhibaan Cali Sheekh Cabdullahi (Cali Afgooye).

Hadaba Waa Kuma Cali Afgooye

Badnaa dadka Soomaaliyeed siyaasiga ku cusub saaxada siyaasada Soomaaliya waxa ay ku yaqaaneen dhinaca isboortiga,isagoo wiilkiisa magac iyo maqaam ka gaaray kooxaha yurub wuxuuna dhaliyay Muqtaar Cali Afgooye oo sanadii lasoo dhaafay koobkii aduunka ee ka dhacay ruushka kala qeybgalay xulka boqortooyada Sacuudi Carabiya,isagoo noqday ciyaaryahan ugu horeeyay ee Soomaali ah oo ka qeyb gala (World Cup).

Mukhtaar Cali Afgooye ayaa kooxdii uu kusoo caan baxay ee Chelsea kula guuleystay Koobka da’yarta ee FA Youth Cup iyo Koobka da’yarta Horyaallada Yurub ee Uefa Youth Cup Sanadihii 2015-kii iyo 2016-kii.

Muqtaar waxa uu sidoo kale u soo dheelay xulka Ingiriiska ee da’dooda ka hooseyso 17-sano. Wuxuu amaah ahaan ugu biiray Kooxda ka dhisan Horyaalka Holland ee Vitesse sanadii, isagoo  u saxiixay heshiis joogto ah.

“Waan ku farax sanahay guusha uu gaaray abaahay waxaan u rajaynaynaa in wax badan ka qabato xaalada Soomaaliya iyo in kaalin ka qaato horomarinta dhinacyada dhalinyarada iyo kubbadda cagta Soomaaliya maadaama uu yahay shaqsi aad u jecel isboortiga” waxaa Goobjoog ugu waramay Mukhtaar Cali Sheekh Cabdullahi (Cali Afgooye) oo aabihii xildhibaanada golaha shacabka kusoo biiray 27 April 2019.

Maanta oo taariikhdu tahay 2-da May 2019, waxa uu guddiga madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka shahaada xildhibaannimo Gudoonsiiyay Xildihaan Cali Afgooye.

Saaxiibada iyo qoyska ayaa guul iyo horomar u rajeeyay xildhibaan Cali Afgooye,iyagoo ugu duceeyay in Allaha u fududeeyo shaqada culus ee loo doortay.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle