U bood dhigaalka

Cali Ameeriko: Walaac Baa Ka Qabnaa Doorashada

Sheeko:Baarlamaanka

Isbahaysiga isbedal sameynta Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin musharrixiin badan oo u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa sheegay in doorashada dib u dhaca ku yimid ay aad uga walaacsan yihiin.

Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo kamid ah musharrixiintaasi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inay ka xun yihiin doorashada dib u dhaca ku yimid, islamarkaana ay wanaagsan tahay in marka hore la xaliyo caqabadaha ka dhashay doorashada aqalka hoose ee gobollada ka socota.

Wuxuu sheegay in caqabadahaasi haddii aan la xalin ay doorashada sharci ahayn, islamarkaana la xaqiijiyo qoondada haweenka ee horey loogu heshiiyay.

Waxaan ku qanacsannahay guddiga xallinka khilaafaadka oo aan aaminsannahay inuu xalin karo cabashada ka taagan baarlamaanka oo ka imaanaysa odayaasha iyo dadka kaleayuu yiri Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa sheegay in xildhibaannada dacwada ay ka taagan yihiin kuraastooda ay ka xun yihiin ayna muhiim tahay in la saxo, si doorashada u noqoto mid sharci ah oo dastuurka aan lagu xadgudbin.

Annaga dadka caadiga ah ayaan ula simannahay  xilliga doorashada dhacayso ma ogid balse in dib u dhac uu jiro waa ay muuqatay, dadka xilligani waa dhibaateysan yihiin abaaro ayaa jira waxaana loo baahan yahay dowlad cusub oo dalka ka saarta dhibaatooyinkani, wallaahi musuqmaasuqa waa jiraa waana dhib taagan, annaga waan rajaynaynay in aysan sidaas dhicin waxaana kuu sheegayaa in ka isbahaysi ahaan aan ku heshiinnay in annaga aan hal dollar ku bixin doorashada oo xildhibaannada ay musharraxiinta ku doortaan kartidooda iyo shaqadooda” ayuu yiri Cali Ameeriko.

Waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay u baahan tahay xilli cusub inay gasho oo aanay u baahnayn musuq iyo laaluush maxaa yeelay dad badan baa dhibaateysan kuwaas ayaana gargaar u baahan, sida uu sheegay.

Waxa uu ugu dambeyn soo jeediyay in odayaasha iyo xildhibaannada arrintooda dacwadda ay ka taagan tahay la si degdeg ah loo xaliyo islamarkaana la dhameystiro xildhibaannada dhiman ee aan weli la soo dooran waxaa kaloo uu soo jeediyay in waqtiga doorashada iyana la caddeeyo.

Goobjoog News