U bood dhigaalka

Cali Cabdullahi Cosoble: Nin Keligiis Cidlo Taagan

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble waxaa uu ku jiraa rag iska dhicis iyo rafasho siyaasadeed isaga oo dhinac walbo weerar ku ah, qoraal uu soo saarey maanta waxaa uu ku cambaareeyay ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre isaga oo ku eedeeyay in uu burburinayo maamulka Hirshabeelle.

“Anaga daacad ayaan iska eheyn runtii laakiin Ninka la leeyahay Kheyre waxa uu maleegayay bur burinta maamulkani, Hirshabelle adiga ma dhisin waa jireysaa, adaa meesha ka baxaya oo siyaasadda si fudud ku soo galay, lacagta Kheyre uu ka xayiray Maamulka bilooyinkii ugu dambeeyay ayuu hadda rabaa in uu u soo fasaxo oo lagu dumiyo Maamulkani Xildhibaanadana lagu kala fur furo ha ogaadaan Beesha Caalamka Waxa ay wado Xukuumadda Federaalka”  ayaa hadalladiisa ka mid ahaa.

Cali Cosoble, waxaa kale uu ka hadlay xiisadda Khaliijka“Aduunka Wax dhex dhex dhexaad kama jiraan hadaad tiraahdo dhex dhexaad ayaan ahay garab ayaad ka hiilisay marka waa muhiim in aynan ku kadsoomin oo aan la safan Cid aanan dan noo heyn, Waxaana dowladda federaalka aan ugu baaqayaa in ay ku noqoto go’aanka Wadamada Khaliijka ay horey uga qaadatay islamarkaana ay taageerto Xulufada Imaaraadka Sacuudiga”.

Cosoble marka laga soo tago joogitaankiisa madaxtooyada Hirshabeelle ee Jowhar, ma heysto wax garab siyaasadeed ah, waxaa ka soo horjeeda guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle oo mideysan iyo inta badan Xildhibaannada maamulka.

Maanta oo Khamiis ah shir ay isugu yimaadeen golaha Wasiirada Hirshabeelle waxaa ay ayideen xil ka qaadistiisa, shirkaasi waxaa shir guddoominayey siihayaha Madaxweynaha Hirshabelle ahna Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali  Cabdulaahi Xuseen .

Waxaa kale oo xil ka qaadistiisa taageersan wasiirrada iyo Xildhibaannada maamulkaasi ka soo jeeda ee ku jira dowladda federaalka ah.

Cali Cabdullahi Cosoble, ma heysto saxiib, ma heysto xulufo, ma heysto jago, waa nin keligiisa taagan, laakin sida muuqato si fudud iskuma dhiibi doono, lamana oga tillaabadiisa xigta!!

Sooyaalka Xiisadda Hirshabeelle:

August 14, 2017: Kulan ay yeesheen Baarlamaanka Hirshabeelle waxaa ay sheegeen in codka Kalsoonida kala noqdeen Madaxweyne Cali Cabdullahi Cosoble.

August 15, 2017: Cosoble ayaa Jowhar soo gaaray isaga oo  diiday Kalsoonidii lagala noqday

August 15, 2017: Waxaa Xildhibaanno  taageersan Cosoble ay magacaabeen Gudoomiye Cusub oo baarlamaanka Hirshabelle ah.

August 16, 2017: Arbacadii waxaa kulan ay yeeshay Xildhibaanada Cosoble la safan waxay sheegeen in Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweyne K/xigeenka ay Codka Kalsoonida kala Noqdeen.

August 16, 2017:, Xildhibaannadii Cosoble taageersanaa, waxaa ay u wareegeen dhanka kale iyaga oo cafis weydiistay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle.

August 16, 2017:, Cali Cosoble, waxaa uu soo saarey warqad uu uga soo horjeedo go’aanka dowladda federaalka ah ka qaadatay xiisadda Khaliijka.

August 16, 2017: Waxaa kulmay Baarlamaanka Hirshabeelle iyaga oo dhisay  guddi doorasho, muddo bil gudaheed ayaa lagu dooran doonaa madaxweyne cusub.

August 17, 2017: Maanta oo Khamiis ah, waxaa uu Cali Cosoble Ra’isul wasaare Xasan Khayre ku eedeyay burburinta Hirshabeelle isaga oo ugu hanjabay in uu siyaasadda si fudud uga bixi doono.

W/Q: Abdi Aziz Gurbiye