U bood dhigaalka

Cali Guudlaawe oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada Hirshabeelle

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka  Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay Shirka Golaha Wasiiradda  Hirshabeelle oo maanta ka qabsoomay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeeha dhexe, waxaana kulanka looga hadlay arrimo kale duwan oo quseeya maamulka.

Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Wasiirada ee maanta dul istaagay hadal qoraalkii ka soo baxay shirkii hore ee golaha, waxaana uu faray wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka in si deg deg ah uu ku soo diyaariyo dukumentari cadeynayo baaxada abaarta jirta ee saameysay dadka iyo xoolaha.

Madaxweynaha ayaa warbixinta guud ee howlaha amniga ka dhageystay wasiirka amniga gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre, waxaana uu faray diyaarinta dugsiga tababarada ciidanka si loo dardargaliyo tababarada ciidamada booliiska iyo daraawiishta Dowladda Hirshabeelle.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqooyinka adag ee ay hayaan Golaha Xukuumada Hirshabeelle, waxaana maalmihii dambe deegaanno dhowr ah oo ka tirsan maamulka ka socday howlgallo ay wadaan ciidanka xoogga dalka, tii oo ay jirto in deegaannada ay ka jirto abaar baahsan.

Goobjoog News