U bood dhigaalka

Cali Khalif: Inaga oo Khaatumo ah oo Maamul ah iyo iyagoo Somailand  Oo Maamul ah ayaa ku heshiiyay in aan Wada Hadalno

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Khaatumo Cali Khalif Galeyr oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa beeniyay wararka sheegaya in ay Cali Khalif uu ogolaaday in uu yahay Somailand, isagoo qiray in ay jiraan wada hadallo sida uu sheegay u dhaxeeyay labada maamul ee Somaliland iyo Khaatumo.

Cali Khalif oo ka jawaabayey su’aal ah, Khaatumo iyo Cali Khalif, Ma Somaliland ayey noqdeen sida Somailand ku doodeyso?

“Maamulka Khaatumo iyo maamulka Somaliland waxaa ay dhowr todobaad isla raadraadinayeen haddii wadahal u bilaaban karo, xaajo culus ayaa na dhex taallo, dagaalo ba’an ayaa  waayadan aagga ka socday, dad badan baa nagaga dhintay, iyaga xagoodana tirakoobkooda ma hayo, waase hubaa in iyada dad kaga dhinteen, dad daris ah oo dano badan wada leh ayaan nahay, dastuurka khaatumana waa noogu yaalaa in meeshii arrinteenu gasho in wada hadal nabadeed lagu xaliyo”

“Saxaafadda waa og tahay Maamullada Puntland iyo Somaliland waxa na dhexyaalla, inagu labadaba waan la xiriirney, labada qoloba waan jecel nahay in aan wada hadallo la yeelano, midda aan hadda ku guuleysanay waxaa weeye, Inaga oo Khaatumo ah oo maamul ah iyagoo Somailand oo maamul ah ku heshiiyay in aan arrimaha isaga nimaad, niyad sami badan oo xagooda ah waan aragnaa, waxaad moodaa in culeysa, dhibka iyo dib u dhaca halkan ku dhacay ay haboon tahay in laga gudbo..is arag oo saacado ah ayaa na dhexmaray, waana u balansan nahay in aan si buuxda u wada hadalno oo ku hiranno xal na wada qanciya, in aan ku hiranno”.

Ma aan weydiiney haddii maamulka Puntland uu wada hadal la furay waxaa uu ku jawaabey“ Puntland wax wada hadal ah nooma yaalo, haddii fursadan ay ka timaado, oo maamulka Puntland iyo Khaatumo wada hadalnaan waxbo kama qabno”.

Puntland Nama Matali karto Dooorashooyinka soo socda: “Dastuurka waxaa ku yaallay 18kii maamul ee jiray 1990, 2 iyo wixii ka badan in ay maamul sameystaan, inaga xaqaas ayaan leenahay, cid kale oo na matali karto ma laha, 4.5 oo doorashadan saldhig u ah cid wax cid kale u qaadi karto ma jirto, haddii aan la dhaheyn Soomaali ma tihiin, inaga 4 sano ayaan jirnay laakin waxaa xildhibaannadooda meel loo dhigay maamullo aan weli dhismin sida Hiiraan iyo Shabeelada dhexe, mas’uuliyadda Khaatumo inaga ayaa leh, cid kale uma daba dariisaneyno..haddii dowladda ay wax iska badalin, wax xiriir ah oo la neehay ma jirto”

Mar uu ka hadlayey doorashada Soomaaliya waxaa uu yiri“Doorashada soo socota kuma jiraan dhulkii la dhihi jiray British Somaliland, 8 bil ayaa Xamar joogay, cid kasta qadiyadda waan u sheegay, waana ku hungowney, waxaas oo dhan waxaa ay dhaceen madasha ka hor, hadda wax wada tashi ah oo naga dhaxeeyay ma jirto, si alle sidii danteena ku jirto ayaan ku raadsaneynaa”