U bood dhigaalka

Cali Khalif Oo La Hadlaya Somaliland: Haddii Aan Heshiinno, La is Aamino…..Ictiraaf loo Gur-guurto waa Laga Korayaa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Khaatumo Cai Khalif Galeyr oo ka hadlay shir la sheegay in ay ku heshiiyeen maamulka is magacaabay ee Somaliland iyo Khaatumo ayaa sheegay in haddii ay si fiican u heshiiyaan labada dhinac, oo ay is aaminaan, Ictiraaf loo gur-guurto laga kori doono.

Mudane Cali Khalif ayaa goobta ka sheegay in Ictiraafka ugu weyn uu yahay Nabadda iyo Cadaaladda, isaga intaa raaciyay in ay u baahan yihiin oo keliya caqli iyo xikmad.

Dhanka kale, Galeyr waxaa uu qiray in aan loo dhameyn shirka oo ay jiraan dad diidan in lala heshiisyo Somaliland, dadkaas oo isaga ku sheega nin keligii meel taagan.

Cuqaal, Isimmo  iyo siyaasiyiin labada dhinac ah ayaa sabtidii kala saxiixday heshiis horudhac ah, waxaa la filayaa in dib la isugu soo noqdo 5-ta July.

Goobjoog News