U bood dhigaalka

Cali Khaliif Galeyr Oo Ku Sugan Magaalada Hargeysa

Sheeko:Dalka

Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland waxaa maalintii shalay ahayd safar aan la shaacin ku tagay madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr.

Galeyr ayaa la dejiyey mid kamid ah Hoteellada ku yaalla magaalada Hargeysa, wuxuuna ka gaabsaday inuu saxaafadda faah faahin ka siiyo ulajeedka rasmiga ah ee ka dambeysa inuu tago magaaladaasi.

Warar soo baxaya waxay sheegayaan in madaxweyne Galeyr uu u gudbi doono magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, halkaasi oo wada hadal uu kula galayo maamulka Somaliland.

Waxay Labada dhinac sii amba qaadayaan wadahadalladii u socday, iyadoo wadahadallada la filayo iney kasoo baxaan go’aanno ka duwan kuwii hore.

Galeyr ayaa horey u sheegay in ulajeedka uu ula hadlay Somaliland aanay ahayn in maamulkiisa dhankaasi ku biiro, hase ahaatee ay tahay sidii nabad iyo derisnimo loogu wadanoolaan lahaa.

Shacabka gobollada waqooyi ayaa aad u hadal haya safarka Cali Khaliif ee magaalada Hargeysa.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News