U bood dhigaalka

Cali Khaliif: Isbeddel Baa Imanaya Haddii La Dhaqangeliyo Heshiiska Somaliland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in haddii uu si sax ah u dhaqangalo heshiiskii ay la galeen Somaliland isbeddel badan laga dareemi doono deegaannada Sool iyo Sanaag.

Waxa uu sheegay Galeyr in deegaannadooda ay ka buuxaan kheyraad badan, isla markaana loo baahan yahay oo kaliya in laga wada faa’ideysto waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waan rajeyneyaa in isbeddel badan yimaado, haddii la is fahmo oo si dhab ah loo heshiiyo in barwaaqo dhacayso, laakiinse hadda waan u jeednaa in ay jiraan war-xumo-tashiil ah in Khaatumo aysan ahayn meel jirta, nabad oolin iyo wixii lamid ah, waxaan is leennahay haddii wadahadalladii Somaliland iyo heshiisyadii meel lagu ogaado wax badan baa isbeddalaya” ayuu yiri madaxweynaha Khaatumo.

Ugu dambeyn, Cali Khaliif ayaa ugu baaqay shacabka Khaatumo inay u istaagaan ka shaqeynta danahooda iyo horumarka deegaannadooda.

Somaliland iyo Khaatumo ayaa horey u gaaray heshiisyo horudhac ah, inkasta oo ay dhimman yihiin dhammeystirka heshiisyadaasi.

Goobjoog News