U bood dhigaalka

Cali Khaliif “Maamulkeenna Kuma Milmi Doono Somaliland”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in marnaba aanu maamulkiisa ku milmi doonin maamulka Somaliland oo dhowaan wada hadallo ay kula soo galeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Galeyr oo la hadlayey shacab reer Khaatumo ah ayaa tilmaamay in ulajeedkooda ay tahay oo kaliya sidii  iyaga iyo Somaliland u noqon lahaayeen Labo maamul oo deris ah, islamarkaana wanaagga un ka wada shaqeeya amniga iyo horumarka.

“Maamulkayaga Khaatumo kuma milmayo maamul Somaliland la yiraahdo, haddii aan ku heshiinno waa inaan noqonno Labo maamul oo deris ah, cidda waxa badani ka maqan yihiin waa innaga, cidda dhimatey ee la dhacay waa innaga” ayuu yiri Galeyr.

Waxaa jirey kulamo ay degmada Laascaanood ku yeesheen saraakiil iyo wasiirro hore oo Khaartumo ah, kuwaasi oo sheegay in madaxweyne Galeyr uu ka shaqeynayo sidii ay ula midoobi lahaayeen Somaliland.

Dhowaan waxaa magaalada Addis Ababa heshiis ka kooban 11 qodob ku gaarey xubno kala matalayey maamullada Somaliland iyo Khaatumo, waxaana qodobada kamid ahaa in laga wada shaqeeyo amniga iyo sidoo kale gargaarka bini’aadannimada.

Goobjoog News