U bood dhigaalka

Cali Khaliif “October-ta Nasoo Aadan Waxaan Ku Shaqeyn Donnaa Laascaanood”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Dr Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in sanadkaan gudahiisa gaar ahaan bisha soo socta ee October uu maamulkiisa si caadi ah ugu shaqeyn doono magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Waxa uu sheegay in isla bishaasi Kalfadhigga 5-aad ee baarlamaanka maamulkiisa halkaasi lagu qaban doono, ulajeedkooduna yahay inay dhulka maamulkaasi xoreeyaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan ku rajo weynahay inaan Laascaanood ku shiri donno, hadal aan iska iri ma ahan, October soo socota inaan ku shirno oo baarlamaanka Khaatumo Kalfadhiggiisa Shanaad ku qabsanno ayaan ku rajo weynnahay, yoolkeennu waa kii dhulka xoreyntiisa, waa in nabad aan kula noolaanno deriskeenna” ayuu yiri Galeyr.

Maamulka Khaatumo ayaa dhexda ugu jira maamullada Puntland iyo Somaliland, mana jirto deegaanno badan oo maamulkaasi uu ka taliyo.

Gobollada Sool iyo Sanaag oo maamulka Khaatumo Sheego inuu maamulayo waxaa ka kala arrimiya deegaanno ka mid ah maamullada Somaliland iyo Puntland.

Goobjoog News