U bood dhigaalka

Cali Mahdi: Inta Soomaaliya Lagu Maamulayo Federal Qaran Xoog Leh Cirkaas Ayuu Inoo Jiraa

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi oo ka hadlayay xaaladda dalka iyo guud ahaan siyaasadda ayaa waxa uu tilmaamay in inta dadka Soomaaliyeed lagu maamulayo hanaanka federaalka aysan heli doonin qaran xoog leh.

Sidoo kale Madaxweyne  Cali mahdi ayaa sheegay in federaalka Soomaaliya looga keenay Itoobiya, isaga oo tilmaamay in waagii uu dalka isagu madaxda ka ahaa ay iska diideen, waxa uuna xusay in federaalka loogu talagalay in lagu burburiyo Soomaaliya islamarkaana aan la dhisin qaran xoog leh.

“waxaan qabaaa inta Soomaaliya lagu maamulayo wax federaalisam la yiraahdo qaran Soomaaliya oo xoog leh cirkaas ayuu inoo jiraa, yacni middan lagu leeyahay federal waxaa iska leh Itoobiya, annaga waageynii waan ku diidnay, Soomaaliya waxaa federaalka loogu keenay in lagu burburi oo qaran dambe oo xoog leh uusan dalkan ka dhalan” ayuu madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa sheegay in hadafkiisu uu yahay in ummadda Soomaaliyeed loo qabto shir dib u heshiisiineed, waxa uuna carabka ku adkeeyay in haddii la helo Soomaali mideysan ay dhalan karto dowlad mideysan.

Madaxweyne Cali Mahdi ayaa yiri “Hadafkeyga iyo ula jeedkeyga waxaa waaye Soomaali in loo qabto shirweyne Qaran, shirweyne dib u heshiisiin Soomaali in loo qabto, Soomali mideysan haddii la helo dowlad mideysan oo taag leh ayaa soo baxeysa”

Hadalka madaxweynihii hore ayaa ku soo aadaya xilli dalka uu heysto nidaamka federaalka islamarkaana uusan jirin xiriir wadashaqeeneyd oo u dhaxeeya dowladda dhexe iyo kuwa xubnaha ka ah, maadaama maamulada qaar uu khilaaf ba’an kala dhaxeeyo dowladda federaalka.

Goobjoog News