U bood dhigaalka

Cali Maxamed Geeddi “Dhagax Jid Lagu Xir-xiro Amni Ma Sugto”

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in ammaanka magaalada Muqdisho aan lagu sugi karin waddooyinka oo dhagxaan lagu xiray.

Waxa uu sheegay geeddi in amni lagu sugi karo oo kaliya sharci, dad, aqoon iyo sidoo  kale ciidan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan ku darayaa jidadka go’an ee bulshada ciqaabta u haysato in la furo, dhagax jid lagu xir-xiro amni ma sugto, amni waxaa suga sharci, dad, aqoon iyo ciidan, waayahan dambe waxaan arkaa magaalada Muqdisho ayaan joogaaye waxbaa iska bedalay dowladdan cusub sidey u timid, 8-saacadood ama 6 saacadood ayaan maqli jiray ama arki jiray jidad xiran oo la leeyahay madaxdi ayaa baxaysa ama madaxdii ayaa imaaneysa oo cudurkaasi hadda waa laga reystay ma maqlo badanaa, Nus saac ama 20 daqiiqo hadda waan maqlaa, laakiin saacado aad u badan iney xirnaadaan oo la yiraahdo madaxdi ayaa mareysa waxaan u aqaanaa curyaamin shacbiga iyo shaqadiisa, waana ku dardaarmayaa in arrintaan laga waantoobo” ayuu yiri Geeddi.

Ugu dambeyn, Cali Maxamed Geeddi ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka iyo guud ahaan dowladda si loo helo amni iyo kala dambeyn.

Goobjoog News