U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Cali Maxamed Yusuf oo Isna Maanta Loo Doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed

Sheeko:Dalka

Shir ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa maanta Cali Maxamed Yusuf ( Cali Shukur) loogu doortay inuu noqdo Madaxweyne saddexda gobol.

Arintan ayaa timid, wax yar kadib markii isla maanta magaalada Baydhabo lagu doortay Sharif Xasan Sheekh Adan.

Baydhabo caawa waxaa wada jooga saddex madaxweyne, Madoobe Nuunow oo ah madaxweynaha Lixda Gobol, Sharif Xasan Sheekh Aadan iyo Cali Maxamed Yusuf (Cali Shukur) oo labada loo doortay in ay madaxweyne ka yihiin Saddex Gobol.

Maanta waxaa doorashooyinka Baydhabo waxba kama jiraan ku tilmaamay Ra’isul Baarlamaanka Soomaaliya.