U bood dhigaalka

Cali Seeko “La Dagaalanka Musuqa Waa Waxa Lagu Aamino Karo DFS”

Sheeko:Dalka

Siyaasi Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) oo mar soo noqday afhayeenkii maamulka gobolka Banaadir ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News waxa uu ku sheegay in arrintaan maalmahan soo korartay ee musuqa la xiriirta oo masuuliyiin ay xilalkooda ku waayeen in ay tahay shaqo loo baahnaa.

Cali Seeko ayaa sheegay in in la dagaalanka Musuqa yahay mid aad loogu aamini karo dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay Afhayeenkii hore ee maamulka gobolka Banaadir in shacabka ay u dhowaanayaan dowladda haddii ay ogaadaan in hantidoodii cid walbo oo boobeysay xabsi la dhigayo ama ugu yaraan shaqada laga eryayo.

“Waa tallaab aad u wanaagsan waxa ay hadda waddo dowladda federaalka Soomaaliya la dagaalanka musuqa waa waxa lagu aamino karo dowladda, shacabkana ugu soo dhowaan karaan” ayuu yiri Cali Seeko.

Ugu dambeyn, Cali Seeko ayaa ugu baaqay madaxda sare ee dowladda federaalka in la dagaalanka musuq maasuqa aysan ku ekeen oo kaliya madaxda sare balse la keeno xafiis walbo iyo maamul walba illaa guddoomiye waaxeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mas’uuliyiin u xirtay arrimo musuq la xiriira, waxayna dowladda sheegtay iney la dagaallami doontio cid walbo oo wax musuqaysa.

Goobjoog News