U bood dhigaalka

Siyaasi Cali Xaaji: “Abaaro Xooggan Baa Ka Jira Dalka Soomaaliya”

Sheeko:Dalka

Musharrax Madaxweyne DR. Cali Xaaji Warsame oo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay magaalada Kismaayo ayaa soo hadal qaaday abaaraha xilligani adag ku heysta gobollada Soomaaliya kumanaan qoysas ah iyo duunyadii ay dhaqdaan.

Wuxuu sheegay in abaaro daran ay ka jiraan gobollada Soomaaliya in badan oo kamid ah sida kuwa Koonfureed iyo waqooyi. Cali Xaaji Warsame oo ah musharrax madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland.

Siyaasi Cali Xaaji ayaa abaaraha jira ku sifeeyay kuwa aad u adag oo kumanaan qoysas ah ku qasbay in ay ka cararaan degaannadooda.

“Marka ugu horreysa waxaan leeyahay Ilaahey ha u gargaaro umadda Soomaaliyeed ee abaaraha ay ku habsadeen sida gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, iyo gobollada Awdal, Sanaag iyo gobollo badan oo waqooyiga ah oo runtii ah meelaha ugu daran markii horena ahaa meelaha Soomaaliya ugu fiican, dadkaas waxay u baahan yihiin gurmad mana helin xilli roobaadyadii ay filanayeen” ayuu yiri musharrax madaxweyne Cali Xaaji.

Cali Xaaji ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka abaaraha saameeyeen iyadoo la soo sheegayo in duunyo badan ay u baaba’day abaarta darteed halka ay jiraan dad u dhintay harraad iyo gaajo. Waxaana Cali Xaaji uu kamid yahay siyaasiyiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Soomaaliya.

Degaannada waqooyi ee Soomaaliya ayaa abaarta ugu xooggan ay ku habsatay halkaasoo dadka iyo duunyada ay si isku mid ah u saameysay, waxaana jira dadaallo loogu gurmanayo dadkaasi oo ka socda degaannada qaar sida magaalada Hargaysa oo shaqo wanaagsan uu ka billaabay maamulka Somaliland.

Goobjoog News