U bood dhigaalka

Dalal Badan Oo Cambaareeyay Weerarkii Shalay Ee Lagu Qaaday Masjid Ku Yaalla Sacuudiga

Sheeko:Dalka

Culimada ugu waaweyn Sacuudiga ayaa dhaleeceeyay Qarax loo geystay Masjid Shiicada ay leeyihiin oo ku yaalo Bariga Sacuudiga.

Qaraxa Masjidkan oo ku yaalo  Qudeyf waxaa ku dhintay in ka badan 20 qof.

Muftiga Sacuudiga ayaa sheegay in arinkan loola jeeday in fitno laga dhex abuuro dadka iyo dalka Sacuudiga.

Wasaaradda arimaha gudaha Sacuudiga ayaa sheegtay in qof soo xirtay Suun waxyaalaha qarxa ah uu isku qarxiyay Masjidka Cali Bin Abii Talib ee deegaanka Qudeyf iyagoo balan qaaday in ay soo qaban doonaan dambiilayaasha.

Dhinaca kale, Waxaa falkan Cambaareeyay Dalka Urdun, Masar iyo ururada Qaramada Midoobey, Ururka Islaamka iyo Hay’adda Al-azhar.