U bood dhigaalka

Camey “Ma Ogolaan Doonno In Tacaddi Loo Geysto Haweenka”

Sheeko:Dalka

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa markii ugu horreysay wuxuu ka hadlay kiis isku day kufsi oo lagu eedeeyay inuu ku kici rabay askari ka tirsan ciidanka maamulkaasi, kaasi oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Camey ayaa sheegay in maamulkooda uu tallaabo ka qaadi doono cid walbo oo tacaddi u geysta haweenka, sharcigana la horgeyn doono askarigii isku daya inuu gabar kufsado.

“Waxaan ka xumahay dhibaatadii ku dhacday faa’isa, waxaan ku faraxsanahay inuu gacanteena ku jiro ninkii dhibaatada u geystay, marnaba ma ogolaan doonno in dhibaato loogu geysto haweenka” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Saldhigyada ku yaalla deegaannada Puntland qaarkood waxaa ku jira rag loo heysto kiisas la xiriira Kufsi.

Goobjoog News