U bood dhigaalka

Caqabadaha Hortaagan Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi

Sheeko:Baarlamaanka

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdi Ismaaciil oo ka tirsan 23 oday dhaqameed ee beelaha waqooyi ayaa Goobjoog News uga warbixiyay caqabadaha ku horgudban doorashada aqalka sare ee beelaha waqooyi.

Suldaanka oo aan la yeelanay wareysi dhinacyo badan taabanaya ayaa qiray iney jiraan caqabado illaa hadda aan la xallin iyo beelo dooraya iney sad bursi sameeyaan:

“Aqalka sare caqabado badan ayaa ku hor gudboon, sida loo maamulay ayaa si khaldan, 4 beelood ayaan halkan ku galnay doorashada aqalka hoose, aqalka sarena in Afartaasi gasho ayuunbaa la rabay, waana; Isaaq, Samaroon, Ciise iyo Muuse Dhariyo, markaa Afartii Beelood ayaad mooddaa in la kala saarayo oo saddex beelood oo ka mid ahna wax la siinayo oo ay waxbadsanayaan, beelaha qaarna aan waxba loo ogoleyn”.

Waxa uu sheegay in beesha uu Suladaanka u yahay loo diidan yahay iney si gaar ah u tartamaan iyadoo ay jiro go’aankii madasha 25 Juun oo dhigayay in beelaha laga tirada badan yahay la siiyo tixgelin gaar ah;

“Beesha Muuse Dhariyo ahaan waxaan xaq u lahayn, sida go’aankii madasha ka soo baxay 22-25 Juun uu dhigayo in beelaha laga tiradabadan yahay ay xaq u helaan in tirxgalin gaar ah la siiyo, taasna guddiga doorashada ee aqalka sare markii aanu u tagnay wey diideen anaguna waxaanu u sheegnay inaanu sharciga waafajin doonno oo aanan ogolaan doonin wax ka duwan inaanu si gaar ah u tartanno iyadoo uu sharcigu dhigayo inaanu si gaar ah u tartanno.Dhinaca kale, beelihii oo dhan ayaa 11-ka xubnood isku haysta oo naftoodu aan heshiis ku ahayn”.

Suldaanku waxa uu sheegay in ay hadda bilawdeen wadahadalllo u socda dhaqanka beelaha waqooyi, laakiin aan wali xal loo helin oo caqabaddii ay  sideedii u taagan tahay, waxa uuna xusay in Isniinta soo aaddan ay guddiga doorashooyinku qorsheeyeen in doorashadu ay dhacdo, iyadoo ay jirto inaan wali lagu heshiin.

Doorashada xubnaha aqalka sare ee beelaha waqooyi ee Somaliland ayaa in badan soo jiitameysay iyadoo ay jirto in hadda baarlamaanka uu fadhiyadiisa si caadi ah u wato qabanqaabada doorasho ee guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxtooyaduba ay si habsani ah u wadaan.

Todobaadkan ayaa la filayaa in ay dhacdo doorashada aqalka sare ee gobollada waqooyi sida ay Goobjoog News u sheegay guddiga doorashada federaalka ah.

Goobjoog News