U bood dhigaalka

Caqabado Ku Horgudban Dib u Nooleynta Fanka Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Tan iyo intii uu jirey Af-soomaaliga iyo qawmiyadda Soomaalida ah ee Geeska Afrika waxaa jiray Suugaan Soomaaliyeed oo la dhalatay lana soo barbaartey dhaqanka iyo luqadda Soomaaliyeed.

Balse intii bur buray dalka ayaa waxa meesha ka baxay fankii Soomaaliyeed ee hormarsanaa taasi oo ay dhammaan Abwaaniinta iyo faniinta ay isku aragti ka yihiin in sidii uu dalka u bur buray isna uu u bur buray , islamarkaana uusan jirin goob ay kusoo bandhigaan fanka oo ay ugu horeysay Tiyaatarka Qaranka oo isaga hadda ah mid aan shaqeyn.

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Sangub ayaan weydiinnay dib u dhaca fanka Soomaaliyeed iyo waxa keenay in la waayo fankii horumarsanaa ee xilligi hore ayaa waxa uu sheegay in wax walbo sabab u noqdeen inay isbedalaan burbukii dalka ku yimid, welina aanay arag meel fanka ay ku saxaan.

“Fanka waxa uu ka mid yahay waxyaabaha dhaqanka ay Soomaalida u lahayd oo bur buray mudadii dawlad la’aanta welina Masoo Kabsan mana hayno meel an wax kusoo bandhigno waayo waxaa bur bursan oo aan shaqeyneyn Tiyaatarki Qaranka.

Cabdikariin Faarax Jiir oo ah mareye ku xigeenka Tiyaatarka Qaranka waxa uu aaminsan yahay in meel walbo lagu soo bandhigi karo fanka Soomaliyeed oo an kaliya tiyatarka ku xirnen hase yeeshee waxa uu sheegay dhaqanka iyo fanka Somaaliyeed uu lumay oo hada sababtay in shacabka ay la qabsadaan sugaan oo aan micno ugu fadhin.

Abwaan Cabdirisaaq Axmed Geedi Aakhiro ayaa isna shegaya in fanka uu yahay mid Soomaaliyeed. ahmiyad wayn u leh shacabka, islamarkaana ciddii aan ogeyn faa’idadiisa aysan ka qeybqaadan karin Horumarkiisa.

“Majirto cid u istagtay horumarinta fanka Soomaaliyeed, fanka waa mid micno badan u leh umadda Soomaaliyeed, waxa uu u baahan yahay in dib loo soo nooleyo” ayuu yiri abwaan Aakhiro.

Dhinaca kale abwaan Maxamuud Cabdullaahi Sangub ayaa sheegay in fanka hormarkiisa aynaan dadka hada madaxda ah aysan u ogoleen inuu horumaro madamada fanka uu shegay inuu yahay mid bulshashada wacyi galinaya

Sidoo kale waxa uu shegay inay jiraan musal salaadka afafka shisheeye kusoo baxa ee lagu tarjumo Afka Soomaaliga oo uu tilmamay in dib u dhac fanka qeyb ay ka tahay.

“Sugaanta waxtarka leh ee abwaanada sameeyaan waxa ay dhibeysaa cid walba oo madax ah iyo cid kasta oo aanan rabin horumarka dadka, annaga oo sidoo kale ka warhayno aflaanta afka Soomaaliga lagu tarjuma oo qayb ka qadatay lumidda dhaqanka somaliyeed”

Dawladda Shiinaha ayaa dhowr mar soo hadal qaday inay dhisayso tiyaatarka Qaran taasi oo ay abwaaniinta Soomaaliyeed ay shegayaan inaan raali laga ahyn in la hergaliyo.
Abwaan Cabdirisaaq Axmed Geedi oo kamid ah abwaninta kooxda waaberi ayaa shegaya inay dawlada ka gaabsaneyso dhismaha tiyaatarka qaranka.

“waxaan naloo shegay inaan dawladda Soomaaliya aysan diyaar u ahayn dhismaha tiyaatarka oo ay dooneyso inay dhisto dawladda Shiinaha, waa muhim in la helo tiyatar horumarsan oo fanka lagu soo noleeyo”

Dhinaca kale dalka waxaa ku xanuunsanaya qaar ka mid ah fanaaniintii ugu waaweynaa dalka, kuwaasi oo u baahan caawinaad iyo gurmad degdeg ah.

Abwaan Sangub ayaa mar kale isna sheegay in aysan jirin cid xil gaar ah iska saartay daryeelkooda, waxaana uu ku baaqay in la garab qabto.

Guud ahaan fanka Soomaaliyeed ayaa xilligaan u baahan in dib loo soo nooleeyo, waxaa jirta dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo dadaal ku bixinaya sidii ay fanka sare ugu qaadi lahaayeen, balse waxaa ka maqan iyaguna taageero buuxda oo ay ka helaan dowladooda iyo abaawanadii waaweynaa ee dalka.
W/D: Cabdiwahaab Maxamed Ibraahim
Goobjoog News