U bood dhigaalka

Carabta Oo Qaramada Midoobay Ku Qancineyso In La Aqoonsado Dowlad Falastiin Oo Caasimadeedu Tahay Qudusta Bari

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda Urdun Ayman Safadi ayaa sheegay in dowladaha carbeed ay bilaabi doonaan dadaal diblomaasiyadeed kaasi oo qaramada midoobay loogu qancinayo inay aqoonsadaan dowladda Falastiin ee caasimaddeeduna tahay Qudusta bari wixii ka horeeyay sanadkii 1967.

Shalay oo Sabti aheyd ayay ku kulmeen dalka Oman lix wasiir dibadeed oo carbeed kuwaasi oo dib u raacayey go’aankii horay uga soo baxay jaamacadda Carbata laguna diidanaa aqoonsigii Donald Trump uu ugu aqoonsaday Qudus inay caasimadda maamulka Israel waxayna taasi ka dhigneyd inuu Mareykanka uu badalay siyaasaddiisa Bariga dhexe muddo sanooyin ah.

Ayman Safadi wasiirka arrimaha dibadda ee Urdun ayaa sheegay in wasiirada tallaabooyin iyo dardaaramo ay hordhigi doonaan kulanka wasiirada ururka Jaamacadda Carabta kaasi oo lagu wado in la qabto  bishaan socoto.