U bood dhigaalka

Carruur Uu Soo Ritey Cudurka Shuban Biyoodka Oo La Geeyay Isbitaalka Jowhar

Sheeko:Caafimaadka

Waxaa sii kordhaya tirada carruurta uu soo ridanayo cudurka shuban biyoodka kuwaas oo saacadihii lasoo dhaafay la gaarsiinayay isbitaalka weyn ee magaalada Jowhar.

Saraakiisha caafimaadka isbitaalka INTERSOS ee magaalada Jowhar ayaa u sheegay Goobjoog News in dad hor leh oo u badan carruur oo qaba xannuunka shubanka lasoo gaarsiiyay isbitaalka.

Dadka qaar ayaa laga keenay degaannada miyiga ah ee ku dhow Jowhar, kuwaas oo aan laheyn adeegyo caafimaad oo wanaagsan.

Waxay saraakiishan sheegeen in carruur ka badan la geeyey isbitaalka 48-kii saac ee ugu dambeeyay, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa kamid ah gobollada ay dadka badani ugu dhinteen cudurka shuban biyoodka.

Deegaanno badan oo kamid ah gobollada dalka waxaa ka jirta abaar iyo sidoo kale cudurka shuban biyoodka oo dad badani ay la il daran yihiin.

Goobjoog News