U bood dhigaalka

Caruur Cudurka Dabaysha Ugu Geeriyootay Gobalka Gedo

Sheeko:Caafimaadka

Kiiska Cudurka Dabaysha ayaa la sheegay in lagu arkay deegaanno ka mid ah gobalka Gedo, kaasi oo caruur ay u dhinteen, kuwo kalena ay la il daran yihiin.

Nabadoon Aadan Cabdullaahi oo ka mid ah waxgaradka deegaanka Tarako oo ku dhaw degmada Baardheere ee Gedo ayaa u sheegay Goobjoog News in Laba caruur ah ay u geeriyoodeen cudurkaan, kuwo badanna ay la il daran yihiin.

Waxa uu inoo sheegay Nabadoonka in cudurkaan muddo badan laga la’aa deegaankaasi, hase ahaatee markii ay kiiskiisa dib u arkeen ay aad u niyad jabeen.

Nabadoonka ayaa ugu baaqay hay’adaha ku shaqada leh caafimaadka in gurmad degdeg oo dhanka caafimaadka ah lala soo gaaro caruurta ku dhaqan deegaanka Tarako ee gobalka Gedo.

Gobalka Gedo sanadkii tagay waxaa laga fuliyay talaalka cudurka Dabaysha, waxaana weli muuqata in weli aanu xooganeyn kahor taggii laga sameeyay cudurka Dabaysha.

Goobjoog News